Aanu wada hadalno

soomali

Soomaalaay, waa tan aad wili qabyaalad waddin ee gar ma idin gala? Qaxi dadkii dhashay baa hadda caruuro yeeshay oo ku korinaya waddan la’aan. Waddan ma lihin, meesha aan aadno ba waxaan kanahay dad la yaso oo jiheysneyn. Meel aan joognaba, dumarkii baa hooyo iyo aabo isku ah oo ilmahii u xamaalanaya, raggiina waa mid qaad laharay iyo mid qabiil iyo siyaasad maqaxida la tagaan iyo BBC baas.In yar baa ka soo hartay oo naftooda iyo reerkooda wax u tara.
Waxaan la yaaba oo la amakaaga, hal qodob baa ilaa hadda la taaganyahay oo qofna rabin in uu ka tanasulo laakin qofka kale uu farta ku fiiqayo oo leeyahay adiga khaldan, isbedel! Habar fadhida lagdin la sahlan. Sahlana fadhikudiriku iyo xanta. Sahlana in heblo gurigeeda lagu mashqulo. Sahlana in laga hadlo ninkii reerkiisa u roon oo la yiraahdo ‘ naagta u talisa’. Sahlana in ilmaha dadka kale lagu mashquulo oo balo iyo ciyaalsuuqnimo loo saadalo, ayago ilmahaaga iskufil yihiin oo lagugu imtixaanikaro.

Bini aadamka waxa caado u ah marku seego dantiisa in u wax kale isku mashquulisiyo. Qof qax iyo dil iyo wadan la’aan jecel malahan, aan ka aheyn mooryaan, waxayna ila tahay waxaa lagu wada hanweynyahay sida loo soo cilinlaha waddankii aanu kawada qaxnay oo aan jecleyn, laakin qof walba wax baa u cad. Waa qoloo dhahda aan goosano oo inteenaan ku ekaano. Waa qolloo burburka qabiil hebel korka ka saarta. Waa qolloo madaxweyne kastaba iin ka raadsha oo dhaha kani waa doqon, waa wax-matare, hase ahaate aan la imaanin xal ka fiican lagu beddelikaro.

Willi arrimo khayaali ah oo jirin baa inagu dul wareegaya. Aan indhaha kala furno. Qof kasta mas’uuliyad iyo xil baa saaran. Fari fool ma dhaqdo, laakin qofkasta marku isasaxo oo wax ka beddelo afkaartiisa iyo qabyaalada, markaas baa ummada arkikartaa oo rajada kusoo noqonkarta.

Marka waxan leeyahay, sannadkaan cusub ee 2015 aanu go’aansano in wax, haba yaraatee, aan dalkeena ku kordhino. Qoraal,dhaqaalo,afkaar, iwm. Ha yaraysan, ilaahey baa kuu badinaya ee.

Qof kale ma beddelikartid. Adduun ma beddelikartid. Waddan ma beddelikartid. Waxaad uun beddelikartaa waa naftaada, markaad taas sameysid baa adduunka intiisa kale ku kordhinkartaa wanaag kuna saameynkarta dhanka horumarka.

 

 

 

Respond to Aanu wada hadalno

Fire away!

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s